Wakiilka weeraryahanka kooxda Napoli Gonzalo Higuain ayaa sheegay in ay jiraan wada-hadal u dhaxeeya Paris Saint-Germain iyo isaga oo ku aadan sidii xidiga reer argentine uu ugu soo dhaqaaqi lahaa Horyaalka Ligue 1 France.
Nicola Higuain oo ah wakiilka Gonzalo Higuain ahna sidoo kale walaalkiisa ayaa sheegay in uu bilowday wada-hadalka u dhaxeeya isaga iyo Paris Saint-Germain dhawaana lasoo gaba-gabeyn doono.
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa baadi-goobaysa badalka xidiga Zlatan Ibrahimovic, kaasi oo dhawaan shaaciyay in uu ka dhaqaaqi doono kooxda kadib 4-sano uu ku sugna Magaalada Paris ee dalka France.
Gonzalo Higuain waxaa sidoo kale xiiseenaya kooxda Chelsea

