Xubnihii ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee shalay gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku guul dareystay in Madaxweynaha Kenya ay ka dhaadhiciyaan dib ugu noqoshada go’aanka ay Kenya ku xireyso xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Gobolka Woqooyi bari Kenya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xubnaha ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe u sheegay in Kenya ay xireyso xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya si loo adkeyo Amaanka Kenya.
Abedellatif Aboulatta, oo kamid ahaa wafdigii ka socday Golaha Amaanka ee shalay gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in hadii la xiro xerada Dhadhaab ay keeni karto xaalad bini’aadanimo.
Dhawaan ayay aheyd markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Banki Moon uu ka codsaday Madaxweyne Uhuru in aysan dowlada Kenya xirin xerada Dhadhaab ay ku jiraan kumanaan kun oo Soomali u badan ah.
Dowlada Kenya ayaa wali ku adkeysanaysa in la xiro Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya kadib markii ay sheegtay in ay tahay goob laga soo abaabulo weerarada ka dhaca Magaalooyinka Kenya.

