Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay kulan Dhalinyarada ay su’aalo ku weydiinayeen ayaa sheegay Baasaboorka Somaliga inuu qabo dhibaato inta ay jiraan Al Shabaab.
Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay In dhalinyarada ka Tirsan Al-shabaab In ay xumaanayaan sharafta uu leeyahay Baasaboorka soomaliya mar ay dhibaato ka geystaan mid kamid ah dalalka caalamka.
“Baasaboorkeena dhibaato ayuu qabaa maanta ma’ahan viiso ayaa nalaga rabaa, hal sabab ayeey leedahay Shabaab waaye, Shabaab aan iska qabano, Somaligii socda oo dhalinyaro ah kii Shabaabka ahaa miyaa mise waa mid kale dadka kale uu ka cabsado, Uganda waad ogtihiin tahay 70 qof ayaa hal habeen ka dhintay iyagoo faraxsan oo Ciyaaro daawanaya oo qoslaya. ayuu yiri Madaxweyne xasan shiikh.
Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in aan soomalida caalamka laga nacbeen ee waxa la neceb yahay ay yihiin Dhalinyarada ka Tirsan Al-shabaab oo falal Amni darra ah ka geysta qaar kamid ah dalalka Soomaliya daris la ah.

