Xubno ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa Maanta gaaray Magalada Nairobi ee dalka Kenya iyagoo halkaas kula kulmay Madaxweynaha Wadanka Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha iyo xubnaha ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa kawada hadlay arrimo la xiriira go’aanka dib u celinta Qaxootiga iyo Howlgalka AMISOM ee ka socda qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.
Xubnaha ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta, ugu horeyntii kala hadlay Go’aanka ay Kenya ku xireyso xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyiga Bari ee dalka.
Kulan saacado badan socday oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Kenya ayaa intiisa badan loogu hadlay sidii Kenya ay dib ugu laaban laheyd go’aanka ay ku xireyso xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya, kadib markii ay sheegtay in ay tahay xerada mid laga soo abaabulo weerarada ka dhaca magaalooyinka dalka kenya.
Sidoo kale kulanka dhexmaray Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ka socday iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa loogu hadlay Howlgalka AMISOM ee Kenya qeyb ka tahay.
Kadib markii Dowlada Kenya ay dhawaan shaacisay in ay xiro doonto xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya waxaa arintaas walaac ka muujiyay dowlada Caalamka iyo dowlada soomaliya.

