Midowga Yurub oo Sheegay in Wax Laga Xumaado ay Tahay is Mari waaga La Xiriira Hanaanka Doorashada Soomaaliya

0

Ururka Midowga Yurub oo warsaxaafadeed Xafiiska kasoo saaray ayaa ku sheegay in wax la xumaado ay tahay is mari waaga la Xiriira hanaanka Doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan 2016-ka.

Madaxda dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa wali isku mari la’ Hanaanka Doorashada ee Sanadkan 2016-ka ka dhacaysa Soomaliya waxaa wali jira muran la xiriira Hanaanka doorashada.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Midawga Yurub uu maalmihii ugu dambeeyay si dhow ula shaqaynayay madaxda dawladda federaalka ah iyo madasha wadatashiga iyo guddiga uu baarlamaanku u xil saaray dib u eegista hanaankii doorashada ee ka soo baxay madasha wadatashiga qaran.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in arrintan hadii xal loogu heli waayo ay qasab ku noqon doonto dalalka Midawga Yurub qeybta ka ah inay ka fiirsadaan taageerada ay u fidiyaan hay’adaha dawladda federaalka ah Soomaliya,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here