Macalinkii Hore ee kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa loo magacaabay shaqada kooxda Celtic’ ee dalka Scotland.
War kasoo baxay kooxda Horyaalka dalka Scotland ayaa lagu sheegay in macalinkii hore ee kooxda Liverpool uu noqon doono macalinka cusub ee xili ciyaareedka 2016/2017.
43-jirkaan ayaa dhawaan laga ceyriyay shaqada kooxda Liverpool ee dalka ingiriiska kadib markii ay kooxda la kulantay guuldarooyinka kala duwan.

