Madaxda Maamul Goboleedyada oo Magaalada Muqdisho kusoo Wajahan

0

Madaxweynayaasha Maamulada Goboleedyada dalka ka jira iyo Wakiilo ka Socda Mamulada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaliya, Puntland , Juba-land iyo Wakiiilada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Muqdisho kaga qeyb gali doona shir loogu hadlaayo Hanaanka Doorashada iyo qaabka ay u wajahayaan madaxda Dowlada Soomaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Shirka ka Furmaya Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madax ka socota beesha caalamka sida Midowga Yurub,Urur Goboleedka  IGad, iyo dowlada Ethopia.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here