Dowlada Sacuudiga oo Beenisay in ay ku Lug Laheeed Weeraradii Mareykanka 11-ki September

0

Dowlada Sacuudiga ayaa kasoo horjeesatay Hindise sharciyeed ay ansixiyeen  Mudanayaasha Aqalka sare ee Senete-ka dalka Mareykanka kaasi oo dhigaya in dhibanayaashii waxyeelada kasoo gaartay weeraradii 11-kii September, 2001-dii lagu qaaday Mareykanka ay dacwado kusoo oogi karaan dowlada Saudi Arabia.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Saudi Arabia Adel al-Jubeir oo warbaahinta Sacuudiga la hadlay ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin eedemaha loosoo jeedinaayo dowlada sacuudiga oo ku aadan in ay wax ka ogeed 15 sano  ka hor weeraradii  lagu burburiyay daarihii Ganacsiga aduunka iyo xarunta Gaashaandhiga ee Pentagonka  ee dalka Mareykanka.

Ansixinta sharcigana shalay la ansixiyay ayaa ka dhigan in Ehelada dadkii ku dhintay weeraradii Magaalooyinka Washington iyo New York ee dalka Marekanka ayaa hada wixii ka dambeeya awood u leeyihiin  in ay maxkamad la tiigsadaan cid kasta oo ay u arkaan in ay dhaqaale ku bixisay weeraradaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here