Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya ayaa maanta Howlgal qorshaysan ka sameeyay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, Iyagoo howlgalka kusoo qabtay 7-laaptoop iyo gaari la doonayay in lagu fuliyo qaraxyada la diyaarinayay iyo ninkii diyaarinayay.
Howlgalka ayaa laga sameeyay Xaafada Nasrudiin ee Degmada Howlwadaag waxaa Ciidamada ay xabsiga dhigeen ninkii la sheegay in uu laaptoopyada ku diyaarinayay waxyaabaha qarxa iyo gaariga qaraxa lagu diyaarinaayay.
Saraakiil ka tirsan Heyadda NISA oo Magacooda ka gaabsaday ayaa wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in howlgankan oo ka dhacay Xaafadda Nasrudiin ee degmada Howl Wadaag ay ciidamada ku qabteen nin gudaha gurigiisa ku diyaarinayay Combuutaro qarax lagu xirayay.

