Ciidamada Midowga Yurub oo Badbaadiyay Tahriibayaal Soomaali ay ku jirto

0

Af-hayeen u hadlay hay’adda qaxootiga Aduunka ee loosoo gaabiyo UNHCR ayaa sheegay in dalka Talyaaniga ay gaareen muhaajiriin gaareysa ku dhawad kun ruux kuwaa oo ay sheegeen in ay kasoo kala tageen wadamada Masar iyo Liibiya.

William Spindler oo ah af-hayeenka u hadlay UNHCR ayaa sheegay in dadkaani ay saarnaayeen dooni isla markaana ay ku baxeen Ciidamada Midowga yurub haatane la geeyey Talyaaniga.

“Dadkaani ayaa kasoo kala tagay wadamada Masar iyo Liibiya waxa ayna isugu jireen caruur iyo dhalinyaro, dabcan dadkaani waxa ay hada joogaan Talyaaniga, sidaana waxaa yiri William Spidndler oo ah af-hayeen u hadlay UNHCR.

Dadkaani gaaraya kunka ruux ayaa lagu hayaa Magaalo dhacda koofur galbeed Talyaaniga oo lagu magacaabo Cape Passero.

Midowga Yurub ayaa dhawaan sheegay in ay wadaan qorshooyin ay ku dhimayaan muhaajiriinta afrikaanta ah ee badi u kala dhashay wadamada Soomaaliya, Liibiya, Eretria, Masar iyo Ethiopia.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in muhaajiriinta badi ay ku sugan yihiin magaalooyinka dhaca koofur galbeed dalkaasi sida: Cape Passero, Catania iyo Palermo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here