Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom oo Howlgal kawada Duleedka Degmada Waajid

0

Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Saakay Howlgal kawada Duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Waajid ee Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in howlgalka lagu baadi-gaabayo qaar kamid ah askar ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay Duleedka degmada Waajid, walina ay ku sugan duleedka degmada.

Wasiirka Hub kadhigista iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo ku sugan degmada Waajid ayaa warbaahinta  u sheegay in dagaalkii shalay lagu dilay 18 ka tirsan Al-shabaab, halka Ciidamada Howlgalka ka qeyb galayna ay ka geeriyoodeen labo kamid ah.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab wali kama aysan hadlin dagaalka ka dhacay Duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Iyo guulaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya uu sheeganayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here