Guddiga dib u eegista Doorashooyinka Sanadkaan ka dhacaya Soomaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal shalay kasoo yeeray Maamulka Puntland oo ku aadan in fara galin lagu hayo Hanaanka Doorashooyinka iyo Dastuurka dalka,
Guddiga oo maanta marti ku ahaa Barnaamij ka baxay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in aysan jirin Fara galin lagu hayo xiligaan Hanaanka Doorashooyinka dalka Sanadkaan ka dhacaya iyo Dastuurka dalka.
Guddiga dib u eegista Doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay in aysan jiri doonin waxa la yiraahdo mudda kororsi iyo in dib loo dhigo Doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.
Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo kamid ah Guddiga dib u eegista Doorashooyinka ayaa sheegay In la xalin doono Tabashooyinka qaar ee ka imaanaya qaar kamid ah maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Maamulka Puntland oo Warsaxaafeed soo saaray ayaa Baarlamanka Soomaliya ku eedeeyay in uu Fara galin ku hayo Hanaanka Doorashooyinka Soomaliya.
Xubnaha Guddiga dib eegista Doorashooyinka waxaa ka mid ah Maryan Aweys Jaamac, C/samad Macalin Maxamuud iyo Shariiif C/lle, waxaa dhawaan loo magacaabay in ay dib u eegis ku sameeyay Doorashooyinka dalka dalka.

