Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh Cali Dheere Afhayeenka Al-shabaab oo warbaahinta Al-shabaab la hadlay ayaa ka hadlay go’aanka ay Dowlada Kenya ku xireyso Xeraha qaxootiga ee ku yaala Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.
Shiikh Cali Dheere ayaa tilmaamay in Kenya dhaqaalo badan uu kasoo galo Qaxootiga kujira Xeryaha Dhadhaab,Xagardheer,Ifo,Dhagaxley iyo deeganada kale ee dadka soomaalida ay kunool yihiin, isagoo sheegay iney Caalamka u sheegaan inay hayaan Qaxooti farabadan oo wadamadooda Colaado ay ka jirto.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Shiikh (Cali Dheere) ayaa ka hadlay hadalkii dowlada Kenya kasoo yeeray dhawaan ee ku aadanaa in xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Gobolka woqooyi bari ee dalka kenya in ay saldhigyo u yihiin Al-shabaab ayna weeraro kasoo qaadaan.
“Al-shabaab kama suurtoowdo alle ayaana ka baryeelay in ay xeryo ay ku noolyihiin shacab qaxooti ah ay iskasoo abaabulaan, warkaas waa been ay Kenya marmarsiiyo uga dhiganayso dhibaataynta shacabka”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

