War-Saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay idaacada simba, ayaa lagu faahfaahiyay howlgal ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen deegaano hoostaga Tuulada Tooratooroow ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Warka ka soo baxay Taliska Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in 04:00Am Saacadda Geeska Afrika ay Ciidamada Kummaandooska Soomaaliya howlgal qorsheysan ka fuliyeen Saldhig ay Al-shabaabb ku lahaayeen Deegaanka Toorotooroow.
“Ciidamada Sida gaarka ah u tababar ee Danab ayaa Salaadii Subax Xilli ku dhaw holgal qorsheysan ku qaaday saldhig Al-shabaab ay ku uruuriyaan waxa ay ku ugu Ugu yeeraan Zakawaadka oo ay ku boobaan hantida shacabka ku nool deegaankaasi, ujeedka ciidanka wuxuu ahaa in saldhiggaas ay burburriyaan, weyna ku soo guuleysteen’. Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale Warsaxaafadeedka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in howlgalka intii ay ciidanada ku gudajireen ay ku qaarajiyeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ku sugnaa saldhigga la burburriyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo shalay ka hadlay munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in la wiiqay awooddii kooxdaasi, maantana Magaalooyin ay nabad ku joogeen Al-shabaab ay soo wajahday cabsi weyn oo kaga timid howlgallada Qorsheysan ee ay fulinayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka.

