Dowlada Ethopia ayaa shaacisay in la soo daayay 19 Caruur oo Itoobiyaan ah oo Afduub ahaan loogu haystay koonfurta dalka Suudaan.
Mas’uuliyiin u hadlay dowlada Ethopia ayaa sheegay in ay noqdeen 19-ka caruur kuwii ugu horeeyay ay soo daayeen Qawmiyadda Murle oo dhawaan weerar ku qaaday xadka dalka Itoobiya.
Qawmiyada ayaa la sheegay in ay Afduubteen 125-ruux oo itoobiyaal ah waxaa la sheegayaa in ay si afduub ahaan ugu heystaan Gudaha koonfurta dalka Suudaan sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya.
Ciidammada Itoobiyaan ah oo aad u fara badan ayaa galay koonfurta dalka Suudan Bishii aynu soo dhaafay iyagoo ku raad joogay dadkii weerarka Soo qaaday, balse waxaa lagu qanciyay in aysan dagaalamin.

