Diiwaan Galinta Shaqaalaha Loo Dirayo Boqortooyada Sucuudiga oo La Bilaabay

0

Xili Dowlada Soomaliya ay dhawaan shaacisay in ay heshiis kula gashay dowlada Sacuudiga in shaqaalo soomaliyeed oo isugu jiro Gabdho iyo Wiilal in loo diro dalkaas, ayaa Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda  Soomaaliya waxa ay maanta ku dhawaaqday in  la bilaabay diiwaan gelinta shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa shaaciyay in shirkado Soomaaliyeed loo fasaxay bilaabista diyaarintii shaqaalaha loo qaadayo dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya  waxa uu tilmaamay in Dufcadii ugu horeysay ay noqon doonto tiro dhan Laba kun(2,000) oo shaqaale ah oo ka kooban caafimaadka, Xoogsatada, Wadayaal iyo qeybaha kale ee Shaqooyinka.

Dhawaan ayay aheyd markii Dowlada Soomaliya ay ku dhawaaqday in shaqaalo isugu jira gabdho iyo wiilal loo diri doono dalka Boqortooyada Sacuudiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here