Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay In hubkii ay ku qabsadeen dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay kula dagaalami doonaan Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Gudoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub oo dad fara badan kula hadlay masaajid ku yaala deegaanka Galhareeri ee Gobalka Galguduud ayaa sheegay in Al-shabaab ay dagaalka ku qabsadeen hub casri ah iyo gadiid cusub isla markaana ay dhawaan ku fulin doonaan weeraro lagu qaadayo goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa AMISOM.
Sheekh Xasan Yacquub ayaa tilmaamay in ciidamada dowlada soomaliya lagu laayay degaalkii ka dhacay deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe isla markaana ay ciidamada Al-shabaab guulo ka gaareen dagaalka ka dhacay deegaanka.
Ciidamada dowlada soomaliya oo aan taageero badan ka helin Ciidamada AMISOM ayaa dagaal la’aan kula wareegay deegaanka Run-irgood, maalin kadib waxaa dagaal xoogan kusoo qaaday Al-shabaab waxaa la xaqiijiyay dhimashada 12-askari oo ciidamada dowlada soomaliya ka tirsan.

