Axmed Muuse Nuur Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilkii Xalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Cumar Cabdulle Cismaan (Cumar Dheere) oo ahaa maareeyihii Shirka Isgaarsiinta Somtel ee Gobolka Mudug,
Gudoomiye ku-xigeenka oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Al-shabaab ay dileen ala ha u naxariistee cumar Dheere oo la dilay xili uu kasoo baxay Masaajid Salaadii Maqrib kadib.
Waxa uu Qiray Axmed Muuse Nuur Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug in ay jireen fariimo hanjabaad ah oo kaga imaanay Cumar Dheere dhanka Al-shabaab ugu dambeena ay Xalay dileen.
Marka laga soo tago hadalka Gudoomiye ku-xigeenka, Al-shabaab kama aysan hadlin dilka Cumar Cabdulle Cismaan (Cumar Dheere) oo ahaa maareeyihii Shirka Isgaarsiinta Somtel ee Gobolka Mudug,

