Ciidamada NISA oo Howlgal ka Sameeyay Xaafadaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

0

Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen qeybo kamid ah xaafadaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Intuu socday Howlgalka ayaa la sheegayaa in ciidamada Nabad sugida ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo dadkii heystay oo ku sugnaa guri ku yaal Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Howlgalkaan  ay laamaha amniga samaayeen isla markaana lagu soo qabtay hub aad u fara badan iyo dadkii isticmaalayay isla markaana haatan baaritaano lagu wado dadkaas.

“Ciidamada NISA waxa ay howlgalkooda ku soo qabteen qori RBG ah iyo laba qori oo AK47 ah oo yaalay Guri ay joogeen Hooyo iyo Sadax carruur ah oo ay dhashay. Waxaana socdo baaritaano lagu xaqiijinaayo cida leh hubka lagu soo qabtay dadkan” ayuu yiri, Afheyeenka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane.

Maalmihii dambe ciidamad Nabad sugida ayaa howgalo waxa ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaa sidoo kale dhinac socday falalka amni darada ee mararka qaar ka dhaca Gobolka Banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here