Abdi Hassan Hussein:- Ururka Daacish  Taageero Badan ayay Halayaan Xiligaan

0

Ururka Daacish oo dhawaan ku dhawaaqay in Saldhigyo uu ka sameyntay Gudaha dalka Soomaliya ayaa haatan la aaminsan yahay in uu ururka halayo Taageero Maaliyadeed iyo mid malatari oo kaga imaanaysa dhinacyada islaamiyiinta.

Agaasimihii hore ee Sirdoonka Maamulka  Puntland  Abdi Hassan Hussein, oo la hadlay  laanta Afka  Ingiriiska ee Voa-da ayaa ka digay khatarta ka imaan karta in ururka Daacish uu ku fido qeybo kamid ah  Gobolada dalka Soomaliya.

Waxa uu sheegay Abdi Hassan Hussein in daacish ay markii hore ku bilowdeen Soomaliya Ciidan ahaan 25-30-askari balse ay dib u haleen Taageero kaga timid Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo dhawaan ku dhawaaqay in ay ku biireen Daacish-ta Soomaliya.

“Waxa ay halayaan Taageero Dhaqaalo iyo mid Ciidan oo kaga imaanaysa dalka Yemen waxa ay sidoo kale halayaan Dharka Ciidamada iyo Tababaro ay siinayaan Islamayiin kale oo ka Dagaalama dalka Yemen ayuu yiri Agaasimihii hore ee Sirdoonka Maamulka  Puntland.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Kooxda Daacish ay dhawaan shaacisay in weerarkii ugu horeeyay in ay ka fulisay Soomaliya isla markaana lagu gubay Gaari ay lahaayeen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here