Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya lagu soo gaba-gabeeyay shirkii loogu hadlaayay Cadaaladda/Garsoorka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Shirka waxaa ka qeyb mudadii uu socday Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, wasiirka Cadaaladda xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka jiir iyo qaar kamid ah wasiirada Cadaalada maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii dalka dhanka cadaaladda uu horumar uga sameyn lahaa, qubarada ka qaybgashay ayaana soo saaray war murtiyeed ka hadlay muhiimadda natiijadii ka soo baxday doodii socotay dhowrka maalin,
Wasiirka Cadaaladda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka jiir oo ka hadlay xiritaanka shirka ayaa sheegay in gobolada looga yeeri doono qubaro si markaa iyana talooyin uga bixiyaan hormarinta Cadaaladda dalka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo soo xiray shirkaan ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen ergooyinka waxaana uu xusay in muhiimadu tahay in cadaaladda xoogga la saaro, la.aanteedna uusan dalkani hagaageyn.
“Aadbaan ugu faraxsanahay war murtiyeedka aad soo saarteen waxaan u baahanahay in cadaaladda wax badan aanu ka qabano hadaan cadaaladda hagaajino dalkeenu waa hagaagayaa lkn inta saan ay tahay dhibka waa jiraa.” Ayuu yiri Mr Carte.

