Guddoomiyaha Ururka Haweenka qaranka Batuulo Shiiq Axmed Gabale iyo xubna ka tirsan ururka haweenka oo maalmihiii dambe ku sugnaa Magaalada jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa maanta kulamo la qaatay Guddiga Farsamada maamul u sameynta Hiiran iyo Shabeelaha dhexe.
Batuulo Shiiq Axmed Gabale iyo Guddiga Farsamada maamul u sameynta ayaa kawada hadlay sidii haweenka ka soo jeeda labada gobol ay u heli lahaayeen boqolkiiba Soddon Golayaasha maamulka loo dhisayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Guddoomiyaha ururka Haweenka qaranka Batuulo Shiiq Axmed Gabale oo warbaahinta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe kula hadashay ayaa sheegtay in ujeedka socdaalkooda uu yahay sidii loo cadeyn lahaa doorka ay haweenka ku leeyihiin shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Shirka Maamulka U Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa wali hakad ka jira xili wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu dhawaan furey wajiga Labaad ee shirka.





