Kevin De Bruyne oo  Garoomada Dib Ugu Soo Laabanaya

0

Kubad sameeyaha kooxda Manchester City Kevin De Bruyne ayaa maanta dib u bilaabay tababarka kooxda kadib dhaawac soo gaaray bilowgii bishii February.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ga ayaa dhaawac loogu saaray kulankii ay kooxda Manchester City ka guuleystay kooxda Evertoon lugtii labaad ee Capital One Cup.

Warar soo baxayay ayaa tilmaayay in kubad sameeyihii hore ee kooxda Chelsea uu garoomada ka maqnaan doono ilaa bisha april balse maanta ayaa dib loogu arkay xirada tababarka kooxda Manchester city.

Kevin De Bruyne intuu kA maqnaa kooxda Manchester City waxa ay guul-darooyin ay kala kulantay kooxaha Leicester City, Tottenham Hotspur iyo Liverpool iyadoo sidoo kale 10-dhibic loogu haayo hogaanka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here