Ahlusuna oo kasoo Horjeesatay Maamul laga dhisayo degmada Hobyo

0

Maamulka ahlusuna waljameeca ee Gobolka Dhexe ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen odawaa mid doonaya in uu si sharci daro ah maamul kaga dhiso degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

C/laahi xirsi diirshe Daacad Madaxweyne ku xigeenka Maamulka ahlusuna oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In wasiirka arrimaha Gudaha uu wado qas iyo isku horkeenka dadka dega degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug C/laahi xirsi diirshe Daacad waxa uu sheegay In Maamul uu ka jiro degmada Hobyo balse haatan uu isku horkeen uu ka wado wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa.

Hadalka Maamulka ahlusuna ayaa imaanaya xili Wasaarada arrimaha Gudaha ay ku dhawaaqday Maamul laga dhisayo degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here