Saraakiil ka Tirsan Waaxda Duulista Hawada Somaliya oo Loo Xiray Tuhun la Xiriira Qaraxii ka dhacay Daallo Air Line.

0

Xubno ka tirsan Waaxda Duulista Hawada Somaliya, ayaa la sheegay in loo xiray tuhun la xiriira qaraxii ka dhex dhacay diyaarada Daallo air air Line xili ay ka  duushay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Wakaalada wararka Xinhua oo soo xiganaysa saraakiil ka Tirsan dowlada soomaliya ayaa shaaciysay in labo sarkaal loo xiray qaraxii ka dhex dhacay diyaarada daallo air Line oo todobaadkii aynu soo dhaafnay qarax uu ka dhex dhacay Gudaheeda.

Saraakiisha la xiray  oo magacyadooda aan la shaacin ayaa la sheeegay in su’aalo laga weydiinayo wixii ay ka ogaayen qaraxa ka dhex dhacay diyaarada daallo air Line oo kamid ah diyaaradaha ka dhex shaqeeya Gudaha dalka soomaliya.

Xubno ka Tirsan dowlada soomaliya oo war ka soo saaray baaritaanka ayaa sheegay in diyaarada uu dhex dhacay qarax lagu xiray Laptop dowladana ay gacanta ku heyso dad lagu tuhmaayo qaraxaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here