Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guulee d ayaa Maanta si wada jir ah u dhagax dhigay Dekada Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Dhagax dhiga Dekada Magaalada Hobyo waxaa ku sugnaa Wasiiro ka Tirsan Maamulka Galmudug iyo xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka maamulka Galmudug iyo waxgradka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed waxaa goor dhow la filayaa in lagu dhawaaqo Maamulka uu yeelana doono degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

