Dowlada kazakhistaan oo Sheegtay in laba Muwaadin oo dalkeeda u dhashtay ay ka badbaadeen Qaraxii Daallo.

0

Wasaaradda arrimaha dibada dalka kazakhistaan ayaa sheegtay in laba muwaadin oo dalkeeda u dhalatay ay ka badbaadeen weerarkii isbuucii tagay loo geestay diyaarada daallo airlines .

Labada nin ee ka badbaaday qaraxaasi daallo qabsaday ayaa magacyadooda ay ku sheegtay wasaaradda arrimaha dibada dalka kazakhistaan Sergey Severin  iyo Nikolay Bochkarev .

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada kazakhistaan Anuar Zhainakov ayaa wargeyska Kazinform  u sheegay in labada muwaadin ee u dhashay kazakhistaan ay la socdeen dulimaadka diyaaradda daallo airlines ee ahaa Airbus A321 , waxaana afhayeenka uu intaasi ku daray in hada labadaasi nin ay ku sugan yihiin magaalada muqdisho.

Muwaadiniinta kazakhataan ee qaraxaasi ka badbaaday ayaa u shaqeenayey hay-adaha qaramada midoobe ee ka howl galo soomaaliya.

Qofkii isqarxiyey ayaa qaraxa ku dhintay halka laba ruux oo ka mida ahaa rakaabkii diyaaradaasi daallo ay ku dhaawacmeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here