Daawo Sawirada:- Xarakada Al-shabaab oo soo bandhigtay Gadiid dagaal

0

Xarakada al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii ka dhacay duleedka Magaalada Marka ee xarunta  Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah Gudoomiyaha Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, oo la hadlay warbaahinta al-shabaab ayaa sheegay in al-shabaab ay qasaaro xoogan gaarsiiyeen ciidamada dowlada soomaliya iy kuwa Midowga Africa ee amisom iyagoo ka qabsaday gadiid dagaal. waa siduu hadalka.

Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha Hoose ee al-shabaab waxa uu Tilmaamay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom isagoona ku goodiyay in ay  gacanta ku sii heyn doonaan Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa xalay ku hoyday Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose  kadib markii ciidamada dowlada soomaliya kuwa amisom ay isaga baxeyn Magaalada Marka.

facb15c5 d9401fb2 8402a8b9 4244c1d0 097b6f73 90afca98 87c22a23 53f8a885

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here