Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa qiray in ciidamada al-shabaab ay wali ku sugan Yihiin Gudaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/fataax Ibraahin Geeseey, oo la hadlay Laanta afka Soomaliga ee Voa-da ayaa ku eedeeyay dowlada soomaliya in ay Mas’uul ka Tahay in ciidamada al-shabaab ay la wareegeen Gacanta ku heyn Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
C/fataax Ibraahin Geeseey, waxa uu Tilmaamay in ciidamo badan aysan ka joogin Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Balse ay haatan kaabiga ku hayaan Magaalada Marka ayna ka saari doonaan al-shabaab.
Magaalada Marka oo ah Magaalo Muhiin waxaa gacanta haatan ku haya ciidamada al-shabaab oo meesha ka saaray ciidamada dowlada soomaliya iyo Kuwa Midowga Africa ee Amisom.

