Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom oo la Wareegay Magaalada Marka

0

Wararka haatan Naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka Shebeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Dadka deeganka Magaalada Marka ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom oo xalay ku Hoydeen Sarta Ayuub ee Magaalada Marka. Ay saakay gudaha u galeen Magaalada.

Mas’uul ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo  ka baxay Magaalada Muqdisho ay saakay la waregeen gacan ku heynta Magaalada xili uu ka dhacay dagaal kooban. oo dhaxmaray iyaga iyo al-shabaab.

Magaalada xalay waxaa ku hoyday ciidamada al-shabaab waxaa la sheegay in ka baxeyn inta aan la gaarin subaxnimadii Hore ee saakay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here