Wararkii Ugu dambeeyay Xaalada Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Xaalada Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saakay laga dareemayaa daganaansho kadib markii galinkii dambe ee shalay ay la wareegeen ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada al-shabaab.

Xalay waxaa Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose laga sameeyay Howlgal balaaran waxaa hakad ku jiray isku socodka dadka ku nool Magaalada Marka,

Xarunta Magaaalada Marka, saldhiga booliska waxaa saakay Lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa a-shabaab dadka Magaalada ayaa casbi ka muujinaaya arintaan madaama ay ka cabsi qabaan in ay weerar ku soo qaadaan Magaalada ciidamo dowlada soomaliya oo la sheegay in ay ku sugan yihiin meel aan saas ugu fogeyn Magaalada Marka.

Dhanka kale Siyaasiyiinta kasoo kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka hadlay arintaan ayaa ku Tilmaamay mid dhabar jab ku ah Howlgalka Gobolka shabeelaha Hoose loogu saarayo xarakada al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here