Saraakiil ka socota FBI-da dalka Mareykanka ayaa soo gaartay Magaalada Muqdisho si ay dowlada soomaliya ugu caawiyaan baaritaanka la xiriira wixii sababay dabkii ka kacay diyaarada daallo air Line xili ay ka duushay garoonka diyaarahada Magaalada Muqdisho maalintii Talaado aheyd. aynu soo dhaafnay.
FBI-da dalka Mareykanka ee Muqdisho soo gaartay ayaa la sheegay in ay si qoto dheer ah ugu kuurgali doonaan waxa sababay dabka iyo hadii uu jiro qarax ka dhacay diyaarada xili ay 20-daqiiqo ka hor ka duushay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho maalin Talaado aheyd.
Agaasimaha Hay’adda Duullimaadka Rayidka ah Abdiwahid Omar, oo wareysi siiyay Chennelka Nbcnews ayaa sheegay in saraakiisha ka socota FBI-da dalka Mareykanka ay ka codsadeen in ay ka qeyb qaataan baaritaanka waxa sababay dabka ka kacay diyaarada daallo air Line.
Sida la xaqiijiyay waxaa diyaarada iska soo tuuray qof kamid ah rakaabkii diyaarada daallo saarnaa oo Magaciisa Lagu sheegay, Abdullahi Abdisalam Borleh,
Dowlada Soomaliya ayaa warbaahinta ka socotay in aan laga Hor dhicin baaritaanka lagu sameynayo waxa sababay dabka ka kacay diyaarada dallo Air Line,

