Shiinaha oo Saldhig Malatari ka Furanaya dalka Jabuuti

0

Dowlada wadanka Shiinaha ayaa sheegtay in ay qorsheenayso  in Magaalada DJabuuti ee Caasimada dalka jabuuti ay ka Furato saldhig Malatari kaasi oo noqanayo saldhiga ugu weyn oo ay ku yeeshaan bariga Africa.

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada Shiinaha oo lagu magacaabo Lu Kang oo ka hadlay arintaan ayaa sheegay dowlada shiinaha ay saldhigaas ugu talagashay in ciidamada Shiinaha ee ku sugan gacanka cadan loogu gudbin lahaa hubka iyo adeegyada ay u baahan yihiin. mar walba.

Lu Kang Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Shiinaha ayaa sidoo kale  Tilmaamay in baahida saldhiga la Furayo ay Tahay kadib markii Badmaaxiyiinta shiinaha u dhashatay ee ku sugan xeebaha soomaliya ay mar walba  u baahan  yihiin adeegyo kala duwan.

Dhanka kale Dalka Jabuuti oo dhaca Bariga Qaarada Africa wuxuuna xuduud la wadaagaa dalalka Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya, waxaana saldhigyo ku leh wadamo badan oo reer Galbeed ah. Dalka shiinaha wuxuu xeebaha soomaliya usoo direy In ka badan 60 maraakiib oo kuwa dagaalka ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here