Wararka ka Imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Shabeelaha Hoose ayaa kusoo Waramay In Ciidamo farabadan oo k tirsan Xarakada Al-shabab ay gudaha u galeen Magaaladaasi ka dib markii Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Amisom ay Saaka isaga baxeen magaaladaasi Marka.
Waabarigii Saaka ilaa barqanimadii Maanta ayey Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose,Waxaana Wararku ay xaqiijinayaan in hadda Magaalada inteeda badan ay gacanta u gashay Xarakada Al-shabaab.
Xaafad ka mid ah Magaalada ayaa lagu waramayaa in Ciidan u abaabulan qaab qabiil ay ku suganyihiin islamarkaana ay hadda magaaladu kacsantahay lana maqlaayo rasaas goosgoos ah oo aan la ogayn halka ay ka dhacayso.
Maamulka Magaalada Marka oo aan xiriirro kala duwan la sameynay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan ka bixidda Ciidanka Dowladda ee Magaalada Marka iyo Waliba qabsashada Xaerakada Al-Shabaab ee la wareegay Magaalada Marka.
ilaha Madaxa banaan ee aa helayno ayaa sheegaya in Ciidanka Al-shabaab ay gudaha si rasmi ah ugu galeen Magaalada islamarkaana Ciidanka Al-shabaab iyo dadka Shacabka ah ay bililiqo ku wadaan goobihii ay faarujiyeen ciidanka Amisom ee ku sugnaa magaalada Marka.
Wixii kasoo kordha dib kala soco insha Allah.

