Duuliymaadyadii diyaaradaha Daallo iyo Jubba Airlines ee Muqdisho Oo la Hakiyay

0

Laamaha  ammaanka ee Dowladda Fedraalka Somaliya ayaa Maanta waxay hakiyeen dulimaadyadii ee Magaalada Muqdisho ku imaan jireen shirkadaha diyaaradaha Daallo iyo Jubba Airlines. Kadib markii Maalintii talaado uu dab qabsaday diyaarada daallo oo ka kacday garoonka diyaaraha Magaalada Muqdisho,

Agaasimaha Guud ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin (Colaad), oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu wargaliyay Maamulka shirkada in si ku meel gaar ihi loo joojiyay duulimaadyadii ay ku taggi jireen Magaalada Muqdisho. Isagoona hadalkiisa ku daray in laamaha amaanka ay ku wargaliyeen in ay socdaan baaritaano ku aadan waxa sababay dabka ka kacay diyaarada Daallo Air Line.

Dhanka kale Tallaabada Laamaha amaanka dowlada soomaliya ay ku joojiyeen duulimaadyadii shirkada Jubba  air Line ayaa lagu sheegay, iyadoo ay horey u midoobeen labada shirkadood.

Dhawaan ayay aheyd markii dab uu qabsaday diyaarada daallo Air Line xili ka kacday Garoonka diyaarahada magaalada Muqdisho Tuhumo waxaa jira in qarax uu ku xirnaa diyaarada. waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo arintaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here