Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cwali Maxamed Cali Gaas oo maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyay arimo badan sida amniga iyo hormarka Maamulka Puntland.
Ugu Horeyn Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay Mowqifka Maamulka Puntland isagoona sheegay in Maamulka Puntland uu wali ku adkeysano in doorashada soomaliya lagu saleeyo nidaamka 4.5.
Mudane Dr C/wali Maxamed cali gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale ka Hadlay banaanbaxyadii Maalmihii dambe ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari isagoona sheegay in madaxda Maamulka Puntland aysan marna u dulqaadan doonin in rabshado laga sameeyo deeganada Maamulka Puntland,
Waxa uu sheegay Dr Gaas in Talaabo laga qaadi doono shaqsiyaad rabshadaha ka wada deeganada Maamulka Puntland isagoona laamaha amaanka Gobolka Bari ugu baaqay in ay adkeeyaan amaanka deeganada Maamulka Puntland uu ka arimiyo.

