Yaasiin Mire Maxamuud duqa dagmada Boosaaso ee gobolka Bari oo la hadlay Radio Simba ayaa Waxaa uu Sheegay in Ciidanka ammaanka ee Magaalada Boosaaso ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka AUN Ganacsade lagu Magacaabijiray Xirsi adduunyo xalay lagu dilay Magaaladaasi.
Duqa Boosaaso Waxaa uu sheegay in Ciidanku ay hayaan xog ku aaddan kooxihii soo abaabulay iyo kuwii gaystay intaba falka dilka ah ee xalay fiidkii ka dhacay Magaalada boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ee Puntland.
Waxaa uu intaa ku daray in dilka loo geystay Marxuumka uusan ku lug lahayn qlalaasihii maalmahan ka jiray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,Yaasiin Mire duqa degmada Boosaaso ee Puntland Waxaa uu meesha ka saaray in arinkaan lagu tilmaami karo in Magaalada ay ka jirto amni darro xooggan islamarkaana dhacdooyinka oo ahaa qadar ay mararka qaar dhacaan.
Isagoo sii hadlaya waxaa uu yiri “Ammaanka guud ee Boosaaso Waa Mid la isku hallaynkaro mana ahan amni darro wixii dhacay,rabshadihii dhacayna arinkaan kuma lug-lahan,Magaaladuna xaalkeedu waa dagganyahay oo howlihii nolol maalmeedka dadka ayaa ka socda”.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari Shalay waxaa ka dhacay Bannaanbax rabshada wata oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo taa ay jirto ayaa xalay Fiidkii waxaa kooxo afka soo duubtay oo Bastoolado watay ay xaruntiisa ganacsi ku dileen nin ganacsade ah oo caanka ka ahaa Magaalada Kaasi oo dilkiisa dadku siyaabo kala duwan u hadal hayaan balse Maamulka Magaalada Boosaaso ayaa ku adkeysanaya in laba dhacdo oo kala Madaxbannaan ay yihiin Bannaanbixii shalay iyo waliba dilka xalay magaalada Ka dhacay.

