Ciidamada Maamulka Jubbaland oo Weerar ku ah deeganno Al-shabaab ay kaga Suganyihiin Jubbooyinka.

0

Wararka Ka Imaanay Deegaanno ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta Ciidamada Maamulka Jubbaland oo aad u farabadan ay doonayaan in ay weerar ku yihiin deegaanno ka tirsan Jubbooyinka oo ay ku suganyihiin Xarakada Al-shabaab.

Ciidamo farabadan oo Wata gaadiid nuuca dagaalka ah ayaa Maanta barqadii buuxdhaafiyey deegaanada Jubbooyinka gaar ahan deegaanno hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Wariyaha Idaacadda Simba Saabir C.qaadir Warsame ayaa Soo sheegaya in Ciidanku ay Wataan hub iyo gaadiid nuuca dagaalka ah oo aad u farabadan kuwaasi oo sida uu sheegay Saraakiisha Jubbaland ay ku macneeyeen in loo diyaariyey in ay Al-shabaab kala Wareegaan goobaha ay ka Joogaan gobolada Jibboyinka iyo Gedo.

Maalmihii dambe Ciidamada Dowladda Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay ku doonayn in ay kula wareegaan deegaanno dhaca gobolada Jubbooyinka iyo gedo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here