Dhageyso:- Maamulka Juba-land Waa Maamul Garab Taagan Dowlada Kenya

0

Dadka deeganada Ceel-cadde ee Gobolka gedo ee koonfurta Soomaliya  ayaa Maamulka Juba-land ku eedeeyay in aysan ka helin waxgar gaar ah. mudooyinkii lasoo dhaafay,

Haweeney kamid ah dadka deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo oo la hadashay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Maamulka juba-land aysan ka helin wax caawinaad iyo daryeeel ah. Madaama deeganka ay ku nool yihiin uu yahay deegaan uu ka arimiyo Maamulka Juba-land.

Xaawo Macalin axmed ayaa tilmaamtay in Maamulka Juba-land uu taageero u yahay dowlada Kenya uuna ku gacan siinayo duqeymaha ka dhacay meelo kamid ah Gobolka gedo.

Dhanka kale Maamulka Juba-land oo dhawaan hadlay ayaa beeniyay In diyaaradaha dowlada Kenya ay duqeeyeen dad shacab sida uu warbaahinta u sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan),

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here