Kooxda Chelsea ayaa bartilmaameed ka dhigan doonto macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini, kadib markii ay kooxda City shaacisay macalinkeeda xili ciyaareedka 2016/2017,
Majalada Daily Express. Ayaa ku waramaysa in ninka 63-jirka ah uu bartilmaameed u yahay kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee dalka Ingiriiska kadib markii ay soo dhamaatay noloshiisa garoonka Etihad Stadium..
Macalinka reer Chile ayaa sidoo kale sheegay in uu xiiseenayo qabashada mid kamid ah kooxaha ugu waa weyn qaarada yurub marka uu ka tago kooxda Manchester City.
Manchester City ayaa shalay shaacisay in macalinka reer Spain ee Pep Guardiola uu yahay macalinka cusub ee la wareegi doona shaqada xili ciyaareedka 2016/2017.

