Wafdi uu Hogaaminaayo wasiirka amniga Gudaha xukuuumadda soomaliya Mudane C/risaaq cumar Maxamed ayaa maanta ku wajahan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan
Ujeedka wafdiga ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay ula hadli lahaayeen odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee gabi-ahaanba diiday in ay ka qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo dhawaan ka furmay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe,
Odoyaasha kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa gabi-ahaanba sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe, ee wajigiisa labaad la filayay in uu ka Furmo Magaalada Jowhar,
Dhanka kale Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa sidoo kale ku sugan xildhaano ka Tirsan Baarlamanka soomaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan kuwaasi oo ka qeyb galaya shir lagu sheegay in go’aano laga soo saari doono,

