Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa xukun 9-sano ah ku ridey muwaadin haysa dhalashada dalka Mareykanka asal ahaana kasoo jeeda soomaliya, kaasi oo lagu eedeeyay in uu Taageeri jirey xarakada al-shabaab ee soomaliya ka dagaalanta,
Muwaadinka la xukumay ayaa magaciisa Lagu sheegay Mahdi Hashi, wuxuuna sanadihii dambe uu ku nolaa Gudaha dalka Mareykanka waxaana lagu eedeyay in uu qorshaynayay in uu dib ugu soo laabto soomaliya si uu ugu biiro xarakada al-shabaab,
Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Mahdi hashi uu saaxibo dhow la ahaa labo muwaadin uu u dhalatay dalka Sweden oo todobaad ka hor lagu xukumay dalka Mareykanka kadib markii lagu helay in ay taageero u ahaayeen al-shabaab,
Mahdi hashi oo 24-sano jir ah ayaa la Tilmaamay in uu qorshihii ahaa in sanadkaan uu yimaado soomaliya sida laga hor cadeeyay maxkamadda ku taala Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wadanka Mareykanka ayaa kamid ah wadamada inta badan ay ka dhacaan xukunada lagu riddo dhalinyarada lagu eedeeyay in ay doonayeen ku biirista al-shabaab iyo Taageerida kooxaha islaamiyiinta,

