Cumar C/rashiid :- Go’aanadii kasoo baxay Shirka Madasha Wada-tashiga Waxaa la Horgeyn doonaa Baarlamanka Soomaliy

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa sheegay in Go’aanadii kasoo baxay shirkii Madasha wada-tashiga qaran ee doorashooyinka soomaliya la hor geyn doono hay’adaha sharci dajinta ah.

Mudane Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’rake oo wareysi siiyay Laanta afka soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in hay’adaha sharci darjinta ay hor geyn doonaan go’aanadii ka soo baxay shirkii dhawaan Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay, isagoo xusay in dhan waliba ka eegeen xaaladda uu hadda dalku marayo.

Dhanka kale Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa sheegay xukuumadda soomaliya ay xalin doono waxyaabaha ay tabanayaan qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira sida Puntland,

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dhamaadka bisha soo socda ee Febraayo shir ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga lagu dhameystiri doono waxyaabaha qabyada ah ee ka dhiman geedi socodka nabada,

Hadalka Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkii lagu go’aamiyay doorashada iyadoo la isku raacay in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigo nidaamka 4.5.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here