Bannaanbax lagu taageeraayo go’aaminta nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Banaan Baxaan lugu taageerayey Go’aanada ka soo baxay shirka Madasha wada tashiga Qaran ee looga hadlayey nuuca Doorasho ee dalka Somaaliya ka qabsoomeysa sanadkaan 2016 oo dhawaan ku soo gaba gaboobey magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay magaalada baydhabo oo xaruun ku meel gaar ah u ah maamulka koofur galbeed.
Dib baxaan balaaran ee maanta ka dhacay magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka Baay ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka gobalka iyo kan degmada baydhabo iyo madaxda sare ee maamulka koofur galbeed dadka dibad baxayey ayaa waxay ku dhawaaqayeen Erayo ay ku taageerayaan go,aankii ka soo baxay shirkii Muqdisho ee ahaa in baarlamaanka Cusub laga dhigo Aqalka sare iyo Aqalka hoose ayadoo xildhaanada lugu soo xulayo Nimaadka Awood Qeybsiga 4.5.
Guddoomiyaha Magaalada Baydhaba oo innooga waramay banaanbaxa ayaa waxaa uu sheegay in shacabku ay muujinayeen sida ay u taageersanyihiin go’aankii kasoo baxay Shirkii muqdisho lagusoo gabagabeeyey ee looga hadlayey aayaha doorashada dalka Soomaaliya.

