Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ka hadlay shirkii dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ee lagu go’aamiyay doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka
Mudane axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe waxa uu sheegay in uu fashil kusoo dhamaaday shirkii doorashada loogu hadlaayay wuxuuna intaasi ku daray in masuuliyiinta dowlada soomaliya ay ku guuldarasyteen in ay go’aan ka gaaraan kaddibna ay go’aan khasab ah gaareen waa siduu hadalka u dhigay Madoobe.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe waxa uu sheegay in beesha caalamka ay isugu yeertay madaxda si ay usoo bandhigaan go’aannadii ay ku gaareen Magaalada Kismaayo balse madashii waxaa laga horcadeeyay in wax go’aan ah aan la gaarin.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed islaam axmed Madoobe ayaa imanaya xili dhawaan muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkii doorashada loogu hadlaayay iyadoona madaxda ay isku af-garteen in doorashada laga dhigo 4.5.

