Taliyaha ugu Sareeya Ciidanka Amisom oo booqday deegaanka Ceel Cadde.

0

Kadib markii weerar lagu qaaday 15-kii bishaan deegaanka ceel cadde saldhig ciidanka amisom ay kula haayeen ayaa maanta waxaa booqasho ku taagay taliyaha ugu sareeya ciidanka amisom general  lakaara.

Taliyaha oo ciidanka amisom qudbad u jeediyey waxaa uu sheegay in al-shabaab ay baabi in doonaan oo xili dhaw ay soo gaba-gabeyn  doonaan dagaalka ay kula jiraan.

Waxaa kaloo taliyaha amisom uu ka hadlay sida ciidanka amisom ay u gudanayaan shaqadii loo doortay howl-galka amisom in ay ka qabtaan soomaaliya.

Ujeedka taliyaha uu u tagay saldhiga weyn ee ceel cadde ee amisom ku leedahay ayaa lagu sheegay in ay tahay dhiira galin loo sameenayo ciidanka amisom ee halkaasi ku sugan maadaama ay warbaahintu tabisay in ciidanka Kenya ay iskaga baxeen deegaanka ceel cadde maalinkii shalay.

Saraakiisha ciidanka Kenya ayaa shalay waxaa ay beeniyeen in ciidankooda ay iskaga baxeen deegaano ay kaga sugnaayeen gobolka gedo halka ay ku macneeyeen in ay tahay oo kaliya dhaq dhaqaaqyo ay ciidankeedu sameenayaan .

15-kii bishaan aynu ku jirno ayaa alshabaab waxaa ay weerareen saldhig ciidanka Kenya ee amisom ay ku la  haayeen deegaanka ceel cadde oo gobolka gedo ka tirsan.

Alshabaab weerarkaasi waxaa ay ku sheegteen in ay ku dileen in ka badan 100 askari halka Kenya aysan ka hadlin qasaaraha dhabta ah  ee weerarkaasi kasoo gaaray.

Ciidankii weerarkaasi lagu dilay waxaa maanta lagu aasayaa deegaanka eldoret ee ku yaalo Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here