Al-shabaab oo ka Hadlay Sababta ay ciidamada Kenya ugu baxeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo

0

Maamulka al-shabaab ee Gobolka gedo ayaa ka hadlay sababtii keentay in ciidamada Kenya ay isaaga baxaan saldhigii ay ku lahaayeen deeganka ceel-cadde ee Gobolka gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya,

Sheekh Cabdi Raxmaan Abuu Muxamed oo ah Gudoomiyaha Gobolka gedo ee al-shabaab ugu magacaaban oo la Hadlay idaacada andulus ayaa Tilmaamay in ciidamada Kenya ay u adkeysan waayeen weerarada kaga imaanaya al-shabaab taasina ay keentay in ay isaga baxaan saldhigii ay ku lahaayeen deeganka ceel-cadde ee Gobolka gedo,

Gudoomiyaha al-shabaab ee Gobolka gedo Sheekh Cabdi Raxmaan Abuu Muxamed waxa uu sheegay in qasaaro badan la gaarsiiyay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee amisom ayna ka baqeen weeraro kale oo kaga yimaada dhanka al-shabaab, sidaas darteed ay ka baxeen saldhigii ay ku lahaayeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,

Ciidamada Kenya ayaa dhawaan bilaabay in ay ka baxaan saldhigyo ay ku lahaaayeen gobolada Koonfurta dalka soomaliya kadib weerarkii deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here