Sida ay sheegayaan wararka 6-ka Tirsan saraakiisha ciidamada Booliska ayaa lagu dilay halka Lagu dhaawacmay 3-kale kadib weerar lagu qaaday gaari ay wateen oo marayay Gobolka xeebta Lamu ee dalka Kenya,
Sarkaal ka Tirsan ciidamada Difaaca Kenya oo la hadlay idaacadaha Gudaha Kenya ayaa sheegay in saraakiil kale lagu la’ yahay weerarka ka dhacay meel la yiraahdo Mangai ee Gobolka xeebta ee Lamu,
Saraakiisha Kenya u hadashay ayaa sidoo kale Tilmaamay in ay jiraan baaritaano ay sameynayaan ciidamada booliska Kenya oo baadi-gaabaya Ragii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday gaari ay la socdeen saraakiil ka Tirsan ciidamada Kenya,
Weeraka ka dhacay xeebta Lamu ee dalka Kenya, Ayaa imaanaya xili bishaan Gudaheeda ay al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen deegaAnka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
