Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaaya ayaa Maanta la filayaa in ay gaaraan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si ay ugu qeyb galaan aas qaran oo loo sameynayo askartii lagu dilay weerarkii deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa haatan ka socota qaban-qaabada aaska qaran loogu sameynyao askartii dowlada Kenya loogu dilay weerarkii bishaan gudaheeda Lagu qaaday deeganak ceel-cadde ee Gobolka Gedo ayna Mas’uuliyadiisa ay sheegeen al-shabaab,
Dhanka kale Madax kale ayaa la filayaa in ay kasoo qeyb galaan aaska loo sameynayo askartii Lagu dilay weerarkii deeganka Ceel-cadde ee gobolka gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Dhawaan ayay aheyd marki Rag ka Tirsan al-shabaab ay weerar ku qaaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deeganka ceel-cadde ee Gobolka Gedo waxaana weerarkaas al-shabaab ay ku sheegeen in ay ku dileen askar badan oo ka Tirsan ciidamada Kenya,

