Ciidamada Kenya ayaa Wado dhaq dhaqaaqyo ay kaga Guurayaan deegaano horleh oo ka Tirsan G/Gedo

0

Wararka haatan naga soo gaaraya qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee koonfurta dalka soomaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Kenya ay bilaabeen in ay faarujiyaan saldhigyo badan ay ku lahaayeen gobolka gedo.

Ilaa haatan saldhigyada ay ciidamada kenya  faarujiyeen waxaa kamid ah saldhig ay ku lahaayeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo dhawaan lagu weeraray iyo saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Badhaadhe, ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka Tirsan ciidamada Kenya oo la Hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in ay arintaan ay Tahay mid malatari ay sameynayaan ciidamada Kenya kadib weerarkii deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka gedo,

Dhanka kale saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ayaa la sheegay in ay la wareegeen ciidamada Al-shabaab oo dhawaan weerar halkaas ku qaaday,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here